Digniin laga soo saaray faragelin lagu hayo maamul u sameynta goboleedka sh/dhexe & hiiraan

Gudoomiyaha Daladda Ururadda Bulshadda Raiydka Ex Gobolka Banadir Xaaji Muhudiin Xasan Afrax ayaa ka hadlay Qaabka ugu haboon ee awood qeybsiga dhismaha maamul goboleedka Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan iyo sida loo wajihi karo ee uu u noqon karo mid dhaxal gal ah.

Xaaji Muhudiin Xasan oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada uu haatan maraayo dhismaha maamulkaasi iyo sida loogu baahan yahay in loo dar dar geliyo iyadoo laga dhawraayo wax kasta ee dhalin kara fashil iyo khilaaf soo wajaha dhismahaasi, isagoo sheegay in loo baahan yahay in arintaasi loo maro habka federaalisimka ee ay gobolada isku raaci karaan laba gobol iyo wax ka badan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qarshaha haatan socda uu isagu dhaliilsan yahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo madax banaaneeyo dadka ku dhaaqan labadda gobol ee shabeelaha dhexe iyo Hiiraan gaar ahaan dadka ay taladda ka godo, sida siyaasiyiinta Duubabka dhaqanka, Aqoonyahanka iyo Ururadda bulshadda Qeybahoodda kala duwan si ay iskugu raacaan wax ay heshiis ku yihiin oo ay isku waafaqsan yihiin.

Muxudiin Xasan Afrax Gudoomiyaha Daladda Ururadda Bulshadda Rayidka ah Ex Gobolka Banaadir Xaaji Muhudiin Xasan Afrax ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda uu haatan sii galaayo dhismaha maamul goboleedka Shabeelaha dhexe Iyo Hiiraan taas oo uu sheegay in ay tahay mid aan lagu qanci karin, waxaana uu ugu baaqay Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo weliba duubabka dhaqanka in aysan dhismaha maamul u sameynta Goboladasi ay bulshadda goboladasi si siman oo aan laheyd wax khilaaf ah wax ugu qeybiyaan si aanu uu imaan fashil iyo is jiidjiid.

Guddoomiye Xaaji Muxudiin waxaa kale oo uu sheegay in goboladii horay loo soo dhisay ee ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay horseedka ka ahayd uu hareeyay khilaaf isla markaasna sababay in ay timaado cabasho iyo sad bursiimo ku dhisan cadaaladdarro, si taas looga gaashaanto waxaa loo baahan yahay in sameynta dhismahaasi loo wajaho si Haboon ee aaanan wax dood ah ka imaanin, bulshadana aanan loo gelin is naceyb iyo looma dhamo.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha daladda Ururadda Bulshadda Rayidka ah ee Ex banadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta, Dhaqanka, Aqoonyahanka, Dhalinyaradda iyo Haweenka labadda gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan inay ka tashadaan aayahooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed wixii khilaaf ahna ay meel iska dhigaan si ay ula tartamaan maamul goboleedyada kale ee Xiligaan dalka ka hana qaaday, xukuumadda Soomaaliyana wax uu ka codsaday in ay garab iyo gacan ku siiso bulshadda labadda Gobol in ay aayahooda ka tashadaan faregelintana ay ka daayso waayo waxaa uu yiri waa laga gudbay xiligii wax leysku meyrin jiray, waxaana loo gudbay hanaanka federaaliisimka oo ah in bulshadda intii isku dan ah ay israaco waxna wada qabsato.

Share this:

Short URL: http://www.ccdsomaliyouth.com/?p=33090

Posted by ccdyouth
on Oct 25 2015. Filed under Wararka maanta.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *